FeaturedSomali News

Shacabka ku dhaqan Wajeer oo ka cabanaya koronta xumo haysata muddo 15 sano ah

 

Shacabka ku dhaqan magaalada   Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya, ayaa muddooyinkii u dambeeyayba waxa ay ka cabanayeen koronta la’aan saameyn ku yeelatay bulshadaasi.

 

Kornta la’aanta, ayaa hoos u dhac ku keentay shaqooyinkii bulshada iyo habsami u socodkii ganacsiga.

 

Qaarkamida ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan, magaalada Wajeer ayaa sheegay in ku dhawaad muddo  15 sano ah ay  Kontada magaalada ah tu loo aayaan ah oo hoos dhigtay shaqooytinkii ganacsiga iyo adeegsyadii bulshada ee aas aasaasig ahaa, waxaa ay sheegeen in ilaa muddadaas ay cabasho u gudbinayeen shirkadda Kontada Kenya magaceeda loo gaabiyo KPLC.

 

Qaybo badan oo kamida bulshada magaalada, ayaa istimaala Matoorro  ay kaga baxaan kharashaad badan oo ku keena khasaare maaliyadeed.

 

Ganacsatadu, waxa ay sheegeen in cabashadoodu ay dhowr u dhiibeen xildhibaanka laga soo doorto gobolka hase ahaatee ilaa hadda aan arrintaas waxba laga qaban.

 

 

Booliiska, ayaa diiday codsi ay shacabku gudbiyeen oo ah in ay bannaan bax salmi ay ka dhigaan magaalada si ay u muujiyaan in dhibaatada ka haysata koronta la’aanta jirta.

Back to top button