Somali News

Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka oo la abaalguday

Munaasibad lagu abaalgudayay shaqaalaha wasaaradda caafimaadka ee kaalinta weyn ka qaatay la dagaalka Cudurka Karoonaha ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Fawziya Abiikar Nur iyo dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda ayaa habalyo iyo bogaadin u diray shakhsiyaad  ku guuleystay abaalmarinta sanadka 2020 ee Somali Health Wards.

Sanadkan 2020, bahweynta caafimaadka iyo Wasaaradda Caafinaada waxey si wadajir ah u muujiyeen iskaashi iyo iskutashi runtii suuragaliyey in si adag loo wajaho ladagaalanka iyo yareynta faafitaanka Codurka Covid-19 oo wali dadaalkiisu socdo.

Qofkasta oo bulshadiisa si daacada ah ugu shaqeeya wuxuu mudanyahay abaalmarin iyo mahadcelin waxeyna u noqonaysaa sharaf iyo milgo uu ki faano bari kasoo dhaxalgal ah.

 

Back to top button