Somali News

Shaqaale dhisayay Darbiga ay ka dhiseyso Xadka Soomaaliya oo la dilay

Ugu yaraan hal qof ayaa geeriyooday halka kuwo kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Rag ka tirsan Al shabaab ay jidka u galeen Gawaari waday shaqaalaha dhisaya Darbiga ay kenya ka dhiseyso sohdinta Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Lamu  Irungu Macharia ayaa sheegay in weerarku ahaa miino dhulka la geliyay booliskana ay ku dabajiraan kuwii falkaas ka dambeeyay.

Hayeeshee ilo ka mid ah saraakiisha Booliska Kenya ee jooga Lamu ayaa sheegay in Basaskii waday shaqaalaha ay la kulmeen weerar gaadmo ah halkaasna uu ku dhintay qof ka mid ah.

Kenya ayaa xad beenaadka ka dhiseysa Darbi ay sheegtay in ay isaga ilaalineyso Al shabaan hayeeshee shabaab waxaaba uu ka dagaallamaa gudaha Kenya iyada oo ay jirto koox Kenyaan ah oo la safan al shabab laguna magacaabo Jaysh Al Eyman.

Back to top button