Somali News

Shariif Sh. Axmed: “qofka banaanbax diiddan doorasho laguma aamini karo”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu waqtigiisa dhamaaday ee diiddan in ay dadka banaanbaxaan uusan ogolaaneyn in doorasho ay dalka ka dhacdo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in wixii shalay ka dhaay Magaalada Muqdisho ay ahaayeen wax ceeb ku ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya islamarkaana aan loo baahneyn.

Waxaa uu eedda wixii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho dusha u saaray Nadaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Ciidamada loo adeegsaday rabshadihii shalay ayuu sheegay in ay ka amar qaateen madax uu xilkooda dhamaaday islamarkaana ay ahayd wax laga xumaado wixii ka dhacay halkaasi.

Back to top button