FeaturedSomali News

Shariif Xasan oo is-casilay xilka Madaxweynaha K/Galbeed, kana haray Doorashadii Madaxweynaha

Madaxweynihii waqtigiisu dhammaadka ahaa ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goor dhoweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii madaxweynaha maamulkaasi.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale caddeeyay inuu ka haray tartanka Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kadib markii uu cadaadis uga yimid dhinacyo kala duwan, waxaana arrintan uu goor dhoweyd uga dhawaaqay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhaba.

Saacadihii ugu danbeeyay ayaa la hadal hayey inuu is casilayo Shariif Xasan, kana tanaasulayo tartanka doorashada Madaxweyaha, iyadoo uu kulan la yeeshay wasiirak arrimaah gudaha Federaalka, waxaana xilka madaxweynaha uu si KMG ah u sii heyn doono guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa.

Lama oga inuu Shariif Xasan siyaasadda ka fariisan doono iyo inkale, laakiin tani waxay noqoneysaa markii ugu horeysay ee Shariif Xasan looga guuleysto dagaal siyaasadeed oo uu galo tan iyo intii uu siyaasadda ku soo biiray sanadkii 2004 oo si lama filaan ah loogu doortay guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ahaa ee Soomaaliya.

Tags
Back to top button
Close
Close