Somali News

Shariif Xasan: “Soomaaliya anigaa Federaal ka dhigayee i doorta”

Madaxweynihii hore ee Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka hadlayay shirka  Garowe ayaa waxaa uu sheegay in isaga uu ka shaqeyn karo Nidaamka Federaalka ah ee dalka.

Waxaa uu Shariif sheegay in isaga uu yahay qofka ka shaqeyn kara in Soomaaliya ay qaadato nidaam Federaal ah oo heshiis lagu yahay.

“Saaxiibadey raali ahaada adinka awalba Federaal ma rabin, anagaa rabnay madaxweyne naga dhiga anagaa Federaalka gaarsiineyna dalka”ayuu yiri Shariif Xasan.

Dood u dhaxeysay Xasan Sheekh, Shariif Xasan, Mahdi Guuleed iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxaa looga doodayay xaaladda dalka iyo doorashada lagu muransanyahay.

Back to top button