Somali News

Shil khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Berbera

Wararka ka imanaya dooxa Dacar Buruq ee u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera ayaa sheegaya in shil Gaari oo khasaare geystay.

Gaari xamuula oo siday xoolo tiro badan ayaa ku dhacay deleedka dooxa Dacarburuq oo dhaca inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha nafeed ee uu sababay shilkaasi, marka laga imaado xoolaha uu siday oo dhamaantood ku bakhtiyay.

Waddada u dhaxeysa labada Magaalo ee Hargeysa iyo Berbera ayaa waxaa Ku badan shilalka Gaadiidka.

Sanadkasta waxaa ay waddadaasi galaafataa nolosha daraasiin dad ah oo waddadaas Ku safra.

Back to top button