Somali News

Shir looga hadlayo maalgashiga Soomaaliya oo maanta furmaya

Magaalaa Muqdisho waxaa maanta ka furmaya shir looga hadlayo maalgashiga Soomaaliya iyo xaaladda amniga Dalka.

Shirkan oo ay qaban qaabisay Wasaaradda Maaliyadda XUkuumadda Soomaaliya ayaa waxa aka qeybgelaya Mas’uuliyiinta Dolwadda,Ganacsato  gudaha iyo dibadda ka socda iyo wakiillada Beesha Caalamka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaaale Beyle ayaa sheegay in shirkaasi lagu saadaalinayo heerka amaanka Maalgashiga Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu xusay in lagu soo bandhigayo Ganacsatada Soomaalida ah ee dalka maalgashatay.

Waxaa kale oo uu Wasiir Beyle sheegay in shirka manta waxyaabaha looga hadlayo ay horudhac u yihiin warbixin Sanadeed soo bixi doonta 2024ka taas oo looga hadlayo maalgashiga Soomaaliya.

Back to top button