Somali News

Shir u dhaxeeya dowlad Goboleedyada oo ka furmay Xerada Xalane

Shir u dhaxeeya shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed ayaa maanta ka furmay Hotelka Airport ee gudaha Xerada Xalane halkaas oo ay degganyihiin madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Shirkan ayaa looga hadlayaa khilaafka doorashada dalka iyo sidii xal looga gaari lahaa iyada oo natiijadiisuna ay wada dhawrayaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland,Jubaland,Galmudg,Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa fadhiya kulanka waxaana uu gogol xaar u yahay kulan la doonayo in uu dhexmaro dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa ka biya diiday shir uu 22kii Bishan shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya kaas oo ay ka qeybgaleen Madaxda saddexda dowlad Goboleed ee kala ah Galmudug,Hirshabelle iyo Koofur Galbeed Soomaaliya.

Back to top button