Breaking NewsSomali NewsWarbixin

Shir u dhaxeeya Ra’isalwasaare Rooble iyo Midowga Musharrixiinta oo ka furmay Muqdisho

Waxaa uu Magaalada Muqdisho Kulan gaar ah kaga Furmay Ra’iisul Wasaare XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiiinta Mucaaradka .

Kulankan ayaa ah is-aragii Labaad ay yeeshaan Xukuumada iyo Mucaaradka waxa lagu lafa gurayaa  kaalinta ay Midowga Musharixiinta ku yeelan  doonaan wada-hadallada la xiriira arrimaha doorashooyinka ee ku saabsan dhameystirka & dhaqangelinta heshiiskii 17-kii September.

Sidoo kale xogaha la helay ayaa sheegaya in kulanka lagu sameyn doono laba Guddi oo labada dhinac ka kala socda, kuwaas oo kala ah gudiga xaqiiqo raadinta dhacdadii 19-kii Febaraayo iyo Guddiga qorsheynaya dibadbaxa ay ku dhawaaqeen Midowga Musharixiinta.

Wajiyada shirkan cusub waxa ka Mid ah Xasan Cali Kheyre Ra’iiusl wasaarihii hore dalka ,Shariif xasan Sheikh Aadan oo labada ka maqnaa Shirkii Khamiistii todobaadkii hore .

 

Back to top button