Somali News

Shir uu ka qeybgalay Fahad Yaasiin oo ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’islawasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa uu shir u soo gabagaboobay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa ahaa mid talo wadaag ah oo dhinacyada isku aragtida uga arrinsanayeen shirka maanta ka dhacaya Teendhada Afisyooni.

Wararka ayaa sheegaya in markii dambe uu shirka gadaal kaga soo biiray Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay inuu si weyn ugu lug leeyahay arrimaha siyaasadda.

Shirka Afisyooni ayaa u muuqda mid dhinacyada ka qeybgalaya ay diyaarsanayaan khudbado xasaasi ah oo ay la tagaan Madasha.

Back to top button