Somali News

Shirka gabagabeynta dib u eegista Dastuurka oo ka socda Muqdisho

Waxaa maalintii Labaad ka socda magaalada Muqdisho, Shirkii Wadatashiga Ha’adaha Dastuurka ee soo gabo-gabeynta dib u eegista FARSAMO ee Dastuurka KMG ah.

Shirkan waxaa soo agaasimay Hay’adaha Dastuurka ee heer Federaal oo kala ah Guddiga La socodka Dastuurka BFS, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista Dastuurka waxaana kasoo qaybgalay Hay’adaha Dastuurka ee Heer Dowlad Goboleed iyo Ururada Bulshada Rayidka ah.

Maanta waxaa shirka diiradda lagu saarayaa in la isla meel dhigo qodobada FARSAMADA oo aan wadaxaajood siyaasadeed u baahneeyn oo ah inta badan qodobada dib loo saxay.

Back to top button