Somali News

Shirkadda Diyaraadaha Eithopian Airlines oo Duulimaad toos ah ka bilaabeyso magaalada Muqdisho

Shirkadda Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa shaacisay in markii u horeysay muddo 40 sano kadib ay dib u bilaabeyso Duulimaad ay ku tegseyso magaalada Muqdisho.

Duulimaadka Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa bilaaban doona  2-da bisha November sida lagu shaaciyey bogga rasmiga ah ee Shirakdda, waxayna toddobaadkii saddex jeer duulimaadyada tegi doonaan magaalada Muqdisho, iyagoo isaga gooshi doona Addis iyo Muqdisho.

Maamulka Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa shaaciyay in duulimaadkooda Muqdisho uu xoojin doono xiriirka ganacsi ee labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidoo kale duulimaadyada diyaarada ayaa waxay fursad u siin doontaa Soomaalida qurbo joogta ah siiba kuwa dalalka Afrika oo shirkaddan ay ugu horeyso.

Diyaaradda ayaa todobaadkiiba saddex maalin sameyn doonta duulimaad toos ah Muqdisho iyo Addis Ababa, waxaana maalmaha duulimaadkeeda ku qorsheysan yahay ka mid ah Isniin, Arbaco iyo Jimco.

Ethiopian Airlines ayaa ka mid ah diyaaradaha ugu weyn Caalamka, sidoo kale Afrika ayay kaga jirtaa kaalmaha ugu sareysa, iyadoo dhowr jeer oo hore ku guuleysatay abaal marinada diyaaradda ugu wanaagsan Afrika, waxaa ay duulimaadyo ku tagtaa illaa 116 dal.

Tags
Close
Close