FeaturedSomali News

Shirkadda Kenya Airways oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Garoonka Aden Adde ee Muqdisho

Shirkadda Diyaaradaha dalka Kenya ee Kenya Airways ayaa maanta ku dhawaaqday inay duulimaad maalinle ah oo toos ah ka bilaabeyso magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Bayaan uu soo saaray  guddoomiyaha Shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz  ayaa lagu sheegay in duulimaadyada shirkaddu ku tegeyso Muqdisho oo maalinle noqon doona ay ka dambeeyeen kororka dhoofayaasha Soomaalida ah iyo kuwa Gobolka, iyadoo ay sii xoojin doonto isku xirka  dalalk Gobolka.

Duulimaadyada shirkadda Kenya Airways ee Adan Adde Airport, magaalada Muqdisho ayaa bilaaban doona 15-ka bishan November, waxayna diyaaradda ugu horeysa ee tegeysa Muqdisho oo nooceedu yahay  Bombardier Dash 8 Q400, ay ka duuli doontaa Garoonka Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ee magaalada Nairobi Khamiista soo socta saacadu markey tahay 07:40, iyadoo ka degi doonta Aden Adde International Airport, 10:45, kadibna dib ugu laaban doonta Nairobi xilliga 13:00.

Kenya Airways aya noqoneysaa shirkii labaad ee Afrikaan ah iyo tii saddexaad oo caalami ah oo duulimaad ka bilowda magaalada Muqdisho, iyadoo toddobaadkan ay duulimaadkeeda Muqdisho ka bilowday Ethopian Airlines, waxaana hore uga howlgaleyay Turkish Airline.

Tags
Close
Close