Somali News

Shirkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo mar kale dib u dhacay

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan markii 4aad ku dhawaaqay shir ay isugu imanayaan Dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada Dalka.

Shirkaasi oo uu qorshuhu ahaa in uu maanta furmo ayaa baaqday sababo la xiriira in dowlad Goboleedyada dalka aysan aqbalin ka qeybgalkiisa.

Maamullada Galmudug,Hirshabelle iyo Koofur Galbeed oo lagu xanto in ay taageeraan dowladda hadda jirta ayaan ka jawaabin baaqa Madaxweynaha.

Maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa soo jeediyay in fursad la siiyo wadahadallada Xukuumadda iyo Mucaaradka u dhaxeeya sidoo kalena shirka lagu qabto goob amaankeeda la isku halleyn karo.

Labada maamul waxaa kale oo ay dalbadeen in Beesha Caalamka marqaati ka noqoto fulinta heshiiska la gaaro iyo in amniga goobta lagu shirayo ay sugaan AMISOM.

Back to top button