Somali News

Shirkii Farmaajo wadey, oo fashil qarka u saaran.

Shirkii Farmaajo wadey, oo fashil qarka u saaran.

Shir lagu ballansanaa in habeennimadii xalay uu u bilaabmo madaxwayne Farmaajo, Deni iyo Axmad Madoobe, ayaa ilaa haatan laysku maandhaafsanyahy qabsoomiddiisa.

 
Shirka waxaa caqabado ku noqday, shuruudo, loo arko in ay Farmaajo ay ku cuslaadeen oo ay hordhigeen labada hoggaamiye ee Puntland iyo Jubbaland. 
 

  1. Deni iyo Madoobe, ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo wada yeedho saddexda maamul-goboleed ee shirka ka maqan oo ka qayb galay shirkii Dhuusa-mareeb 3, si aanay qabyo dambe ugu sii jirin u diyaara garawga doorashooyinku. Hase ahaatee, dalabkaas waxa diidan madaxwaynayasha Gal-mudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo goob joog ahaa shirkii Dhuusa-mareeb 3.
  2. Axmada Madoobe, ayaa wata shuruud uu ku adkaysanayo oo ah in gobolka Gedo laga saaro ciidammada ay Dawladda Federaalka ahi geysay.
  3. Saamileyda siyaasdadda Soomaaliya, ayaa w dalbanayaan in shirka ay ka qayb galaan, waxaana soo dhaweeyey Puntland iyo Jubaland.

Qodobadaas oo ilaa hadda aan wax is afgarad ah laga gaadhin, ayaa hortaagan in uu furmo shirkan saddex geesoodka ah, ilaa hadda waxaa socda dedaallo laysu soo dhaweenayo dhinacyada is maandhaafsan.
La soco wararka xiga ee Shabakadda Wararka ee Wadani Media
Like dheh Boggeena: https://www.facebook.com/Wadanimedia
Back to top button