Somali News

Shirkii Golaha Shacabka ee maanta oo dib loo dhigay

Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u dhigay Shir maanta ay ku ballansanaayeen Xildhibaannada.

Shirkam oo Sabtigii dib loo dhigay kaddib markii Xildhibaannada Mucaaradka ay buuq fureen ayaa la doonayay in maanta la qabto.

Hayeesher farriin loo diray Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyay in kulankaas laga dhigay Arbacada soo socota.

Sababaha dib loogu dhigay ayaa la sheegayaa in ah qeyb ka tahay cadaadis uu Guddoonka Baarlamaabka kala kulmay Beesha Caalamka.

Walaaca ugu weyn ee laga qabo kulankaas ayaa ah in ay ka soo baxdo muddo kordhin loo sameeyo Farmaajo.

Back to top button