Somali News

Shirkii Hay’adaha Cadaaladda Somalia oo looga dooday fulinta Go’aanada Maxkamadaha dalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay shir billeedka isku xirka Hay’aaha Caddaalada dalka, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiirka Cadaaladda, Wasiirka Amniga, Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo xubno kale.

Shirkan ayaa looga hadlay dardar gelinta qorshaha horumarinta hannaanka caddaaladda dalka, fulinta go’aannada maxkamadaha, la dagaallanka Dukumintiyada been-abuurka ah iyo qorshaha dib-u-habeynta arrimaha dhulka.

Waxaa kaloo shirka ka qeyb galay madaxda hay’adaha garsoorka, taliska booliiska,  maamulka gobalka Banaadir iyo hanti-dhowraha qaranka, waxaana looga dooday muhiimmadda ay caddaaladu u leedahay xasilinta dalka iyo soo celinta kalsoonida shacabka.

[penci_blockquote style=”style-3″ align=”right” author=”Xasan Cali Kheyre”]“Looma dul qaadan karo in mawaadin Soomaaliyeed uu garsoorka dulmane u noqdo, waa in aan bedelno dhaqankii hore. Waa in si dhab ah loo wada shaqeeyo dhinac walibana sida ugu habboon uga soo dhalaalo mas’uuliyadda iyo waajibaadka ka saaran taabba gelinta nidaam-caddaaladeed Soomaalida oo dhan dan u ah”.[/penci_blockquote]

Ra’iisul Wasaraaha ayaa bahda garsoorka iyo hay’adaha fulinta kula dardaarmay in ay si dhow uga wada shaqeeyaan hubinta iyo fulinta go’aannada maxkamadaha si bulshadu u hesho caddaalad dheelli tiran oo laga ilaaliyay laalaab iyo musuq-maasuq.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa isla gartay in dhinacyada dhan ay iska kaashadaan si adeegga garsoorka loo gaarsiiyo heer muwaadin kasta ee Soomaaliyeed uu isku halayn karo loona helo hannaan caddaaladeed hufan oo daah furan

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay wax ka qabashada dukumintiyada been-abuurka ah ee bulshada dhibaatada xooggan ku haya iyo dardargelinta qorshaha xallinta khilaafaadka dhulalka.

Tags
Back to top button
Close
Close