Somali News

Shirkii Mucaaridka oo furmay

Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shirkii dhinacyada Mucaaridka ku ballansanaayeen.

Shirkan oo soconaya muddo saddex maalin ah ayaa waxaa ka qeybgalaya inta badan musharrixiinta mucaaradka ah.

Ajendaha musharrixiinta Madaxweyne ayaa waxaa ka mid ah qaaddacaad wadajir ah oo ay uga hor imanayaan Guddiyada doorashada ee dowladda iyo dowlad Goboleedyada qaarkood soo magacaabeen.

Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa isku dayaya in ay ku guuleystaan doorshada halka mucaaridka u midoobayaan sidii meesha looga saari lahaa Farmaajo.

Sidoo kale waqtiga doorashada ayaa waxaa uu yahay mid aad ciriiri u ah.

Back to top button