Somali News

Shirka qorshaha 100ka maalmood ee Xukuumadda Rooble oo furmay

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shirka Golaha Wasiirrada.

Shirkan oo ka duwan shirarka Golaha Wasiirrada ee ka dhici jiray xafiiska Ra’isalwasaaraha ayaa waxa uu ka dhacayaa Hotelka Decale ee Airport ka Muqdisho.

Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada ayaa looga hadlayaa dardar gelinta qorsheyaasha Xukuumadda hortabinta u leh, gaar ahaan Doorashooyinka, Amniga, Kordhinta Dhaqaalaha, Daynta cafinta, horumarinta bulshada, Caddaaladda iyo Qorshaha waxqabadka Xukuumadda ee 100ka maalmood.

Waxa shirka ka qeybgalaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan.

Back to top button