Somali News

Shirweynaha 3aad ee Xeer ilaaliyayaasha Soomaaliyeed oo ka furmaya Muqdisho

Shirwaynaha 3aad ee Qaran ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo Magaalada Muqdisho.

Ujeedda shirka ee sanadkan ayaa lagu sheegay adkeynta Xiriirada Xeer Ilaaliyaasha Qaranka iyo Kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

Shirkan ayaa laba jeer oo hore sidan oo kale horay loogu soo qabtay.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa isku dayaya isu soo dhaweynta Xeer ilaaliyayaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

 

Back to top button