Somali News

Siciid Deni: ” haddii dowlad la wada dhisan waayo, Nin walba Goofkiiisa ha aado”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid cabdullahi Deni ayaa rajo xumo ka muujiyay shirka Xalane ee lagu wado in laga furo Muqdisho

Isaga oo ka hadlayay shir ay shalay ku yeesheen Muqdisho mucaaradka islamarkaana ay kaga dhawaaqeen Golaha Badbaado Qaran ayuu yiri ” haddii doorashada la qaban waayo oo dowlad la wada dhisanwaayo nin walba goofkiisa ha aado”.

Maamulada Jubaland iyo Puntland oo mucaarad ku ah Farmaajo ayaa ka biya diiday dhowr shir uu ugu baaqay.

Hayeeshee waxaa ay hadda Xamar ku suganyihiin muddo ka badan hal todobaad waxaana aysan wali la kulmin madaxda Dowladda Federaalka.

Back to top button