Somali News

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ku wajahan Muqdisho

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa lagu wadaa in todobaadkan gudahiisa ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Inkasta oo warar soo baxaya ay sheegayaan in labada Nin ay ka biya diiddanyihiin Shirka Beesha Caalamka iyo Soomaaliya ee Muqdisho ka dhacaya haddana beesha Caalamka ayaa ku cadaadineysa in ay ka qeybgalaan.

Shirka heerka sare ee saaxiibada Soomaaliya  ee 2019kii lagu qabtay Muqdisho ayey ka maqnaayeen labadaba.

Wakiillo ka  socda Beesha Caalamka ayaa todobaadkii hore tagay Garowe kuwaas oo Siciid Deni u sheegay inaan laga laabaneyn heshiiskii siyaasadeed hayeeshee wixii farsamo ah la xallin karo.

Waxaa kale oo wararku sheegayaan in Magaalada Kismaayo ay tagayaan ergo ka socota Beesha Caalamka oo Axmed Madoobe ku qancinaya ka qeybgalka Shirka Muqdisho ee furmaya Arbacada soo soocota.

 

Back to top button