Somali News

Siciid Deni iyo Axmed Qoorqoor oo ku kulmay Xalane

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa  wada hadal ku yeeshay Hotelka Chelsea Village ee ku yaalla xeyndaabka garoonka. Wada hadalkan iyo isu keenida labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo shaqeeyay xildhibaano ka tirsan labada Gole oo ka soo kala jeeda labada Maamul.

Labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ayaa waxaa muddooyinkan soo kala dhex galay khilaaf siyaasadeed, kaddib hadal jeedintii bishii hore ee Madaxweyne Saciid Deni oo uu ka carooday Madaxweyne Qoorqoor.

Back to top button