Somali News

Siciid Deni oo ka hadlay weerarkii Habeen hore lagu qaaday Boosaaso”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay weerar lagu qaaday Xabsiga dhexe ee Magaalada Boosaaso halkaas oo laga siidaayay maxaabiis ku xirneyd.

Deni; waxa uu sidoo kale shirkiisa ku sheegay in dhacdadii lagu weeraray Saldhigga dhexe ee Boosaaso ahaa dhacdo xanuun badan , isagoona tacsi udiray dadkii ku geeryooday oo uusan tiradooda si rasmi ah u sheegin.
Kooxda weerarka soo qaaday ayuu sheegay in ciidamadu ka daba tageen islamarkaana gaarsiiyeen jab xooggan , laakiin ma cadeyn ilaa hadda tirada maxaabiista ay ciidamada gacantooda soo galay ee ay fakiyeen dablayda weerarka soo qaaday.
Falkii dilka ee Wariye Jamaal oo Gaalkacyo lagu dilay ayuu madaxweynuhu sheegay in natiijo wanaagsan laga hayo, howlgal ciidamadu sameeyeenna uu guul ku dhowyahay.
Wariyaasha shirka joogay waxaa laga diiday in su’aalo madaxweynaha waydiin intii uu socday shirka jaraa’id ee madaxweyne Deni xaaladihii ugu dambeeyey uga hadlayey.
Back to top button