Siciid Deni oo kala diray Golaha deegaanka deegaanka Gaalkacyo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa kala diray golihii deegaanka Magaalada Gaalkacyo.
Wareegto la soo baxday xafiiska Deni ayaa u qorneyd.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabduulahi Deni ayaa qoraal uu goor dhow oo caawa ah Xafiiskiisa ka soo saaray ku kala diray Gollaha Deeganka Degmada Gaalkacyo.
isagoo cuskaday qodabadan sida lagu tilmaamay qoraalka:
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123‐aad, farqaddiisa 4-aad.
Markuu arkay: Xeerka maamulka degmooyinka iyo Gobolada (Lr – 7 ) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad, farqaddiisa 5-aad
Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Puntland
Markuu tixgeliyey: Gun-gaarka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala dirista Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo.
Wuxuu Xeeriyey :-
1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo
2. Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
=DHAMMAAD=