FeaturedSomali News

Sidee ayuu u dhacay kufsigii Muqdisho loogu geystay wiilka 10-sano jirka ah | Hooyada dhashay ayaa ka warramaysa.

 

Hooyada dhashay wiil 10 sano jir ah oo lasheegay in ay kufsadeen rag wata  dirayska ciidanka, ayaa faahfaahin ka bixisay qaabka uu u dhacay falkan foosha xun.

 

Hooyadan oo magaceed lagu soo koobay Fardowsa, ayaa sheegtay in xilli dambe oo habeennimo ah iyada oo hurudda aqalkeeda ay usoo daateen niman wata hub kuna labisan dirayska ciidanka dawladda.

 

“ Hooyo Soomaaliyeed, ayaan ahay, wiil Soomaaliyeedna waan dhalay.. Amaankaygu ma sugna. Xalay gurigayga uma hoyan habeen horena umaan hoyan” ayaa tiri hooyo Fardowsa oo camerada ka hor ilmaysay.

 

Waxa ay sheegtay in daaqadda guriga ay kala dhacday gabar sideed jir ah oo ay dhashay, kadib markii raggu ay rasaas huwiyeen guriga. Hase ahaatee, waxa ay sheegtay in nasiib xumo wiilkeedi oo 10 san jira ay kufsadeen nimankaas ma naxayaasha ah.

 

Dhaakhtiirta, ayaa xaqiijiyay in wiilka loo geystay fal xun oo kufsi ah, sida ay sheegtay hooyo Fardowsa.

 

Waa kiiskii labaad oo aad u foolxun , todobaad gudihiina ka dhacay magaalada Muqdisho.

Laba maalin ka hor, ayay ahayd markii la kufsaday kadibna dabaq dheer laga tuuray Xamda Maxamed Faarax oo ahayd gabar 19 jir ah oo sannadkan uun dhammaysay dugsiga sare.

 

Back to top button