Somali News

Sidee Dadka Muqdisho u qaadanayaan Tallaalka Covid19?

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay jaantuska qaadashada Tallaaka Covid19 ee 16kii bishan laga daah furay dalka.

Degmooyinka Hodon, Yaaqshiid iyo Dharkenley ayaa ah kuwa dadka ugu badan laga tallaalayo sida ka muuqata jaantuska.

Dadka la tallaalayo waxaa ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, Booliska, Maamulka Degmada, Barayaasha Iskuullada iyo Macalimiinta Dugsiyada Quraanka.

Back to top button