Somali News

Sidee Kenya uga falcelisay go’aankii ICJ ka qaadatayb dalabkooda?

Dowladda Kenya ayaa afar maalmood kaddib ka hadashay go’aanka Maxkamadda ICJ ku diidday codsigii ay Kenya ku dooneysay dib u dhigista kiiska kala dhaxeeya Soomaaliya.

Xogyahaya joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kameo ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan u furneyn wadda kale  islamarkaana ay tageyso Maxkamadda si ay uga qeybgasho dhegeysiga.

Mr Macharia ayaa sheegay in Kenya ay ku dadaashay sidii kiiskan loogu xallin lahaa meel aan ahayn ICJ hayeeshee ay Soomaaliya fahmi weysay.

Waxaa uu xusay in dadka labada dal aysan kala maarmin islamarkaana Maamulka Muqdisho kaliya ka soo horjeedo Kenya.

Dowladda Kenya ayaa mar kale dalbatay in dib loo dhigo kiiskaas iyada oo ku doodday in aysan u diyaarsaneyn ka qeybgalka dacwadda Badda.

Back to top button