Somali News

Sidee u dhacay dilka Wasiirradii hore ee arrimaha dibadda iyo gudaha Itoobiya?

Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay dilka Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dalkaas iyo saraakiil kale oo ka tirsanaa xisbiga Tigray-ga ee TPLF.

Howlgal ay fuliyeen milatariga ayaa lagu dilay afar hoggaamiye oo uu sidoo kale ku jiray  Abey Tsehaye oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha Federaalka Itoobiya.

sida lagu shaaciyay bogagga laanta xaqiijinta arrimaha degdegga ah ee dowladda Itoobiya Ragga ka tirsanaa hoggaanka TPLF ee la dilay ayaa gaaraya sagaal sarkaal,waxaana ay ku dhinteen amar diiddo.

Mid ka mid ah aas aasayaasha TPLF iyo 8 xubnood oo kale ayaa Axaddii laga dejiyay Adis ababa kaddib markii ay isu dhiibeen Ciidamada Dowladda Itoobiya.

Back to top button