Somali News

Sirdoonka Reer Galbeedka oo bixiyay xogta Rag qaraxyo qorsheynaya oo ku sugan qeyb ka mid ah Muqdisho

Hay’adaha Sirdoonka ee Int badan saadaaliya Qaraxyada ayaa sheegaya in Al shabaab ay damacsanyihiin fulinta weerar ay qorsheynayeen afartii bilood ee la soo djaafay.

Ragga weerarkaas fulinaya ayaa ku sugan Degmada Madiina sida ku cad digniinta halka Gaari qarax saaranyahayna ku suganyahay Dayniile.

Halkan ka aqri warbixinta.

“Amniyaatka Al-Shabaab ayaa waxay qorsheynayaan in ay bartilmaameedsadaan Baraha/targetyada kala ah:-

A- SYL HoteL oo muddadaan dambe ay damacsanaayeen iney beegsadaan mar kale, horayna sanadihii hore tiro 3 ilaa 4 jeer ayey weerareen, kuna yaala ilinka hore ee Wadada Madaxtooyada (Villa Somalia) waxay u qorsheyeen iney qarax ismiidaamin ah ka geystaan, gudahana u gallaan,
waxaana loo diyaariyay 6 ruux kamid ah Al-Shabaab oo isugu jira ama u badan ismiidaamiyaal hubeysan, kuna sugan haatan xaafadda Jeyga Kaawo Godey ee degmada wadajir ee G/Banaadir (Muqdisho).

B- Hotelada Gudaha muqdisho.

Qorshayaasha ka fashilmayay 3dii bilood u dambeysay islamarkaana ay Ku adkaatay in ay galaan

Ayaa cadowgu damacsan yihiin in ay Qaraxyo iyo weeraro toos ah ka fuliyaan markaan goobahaas ku adkaatay.

Waxanaa loo diyaariyay 10 ruux oo 4 ka mid ah ku qoran yihiin miinooyinka iyo madaaficda RPG-7 inta kalana weeraradada ay fulinayaan ismiidaaminta iyo dagaalka tooska ah sida xogta lagu helay .

Waxaa kamid ah weerarka gaari qarax ah oo muddo 4 todobaad ku diyaarsan xaafadda Gubta ciise Cabdi ee degmada Deyniile Muqdisho sida lasheegay.

C- Ciidanka ay tababareen Turkiga iyo xarumahooda sida Turksom waxay u qorsheyeen ismiidaamin iyo madaafiic Hoobiyaal sida xogta aan ku helnay.

Qorshaha guud waxaa dejinaya amiiro cusub oo dhowaan Muqdisho soo galay, loo soo baddalay in ay ka howlgalaan Muqdisho.

Waqtiyada ay qorsheynayaan weerarka oo xog lagu helay waa 10 ilaa 15 bishan.

FG: Shantaas beri la calamadeeyay maalin kamid ah bartilmameedyada hadaf kamid ah ayay fulinayaan, haddane todobaadka xiga sedexdaas maalin midkood waxay weerarayaan bartilmameed kale, lamana caddeyn sida hadafyada u kala horeeyaan.

Back to top button