Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Somali News

Somalia iyo Turkiga oo ka wadahadlay fulinta Heshiisyadii ay horey u kala saxiixdeen

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Libaax Ibraahiim oo howlo shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa Magaaladda Ankara kulan kula qaatay Wasiir ku-xiggeenka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalkaasi, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dal ee  Saaxiibtinimo iyo Walaaltinmo ay ka dhaxeyso & heshiisyadii horay loo galay.

Labada masuul ayaa kulankooda waxay si weyn uga hadleen qodobada kala ah siddii dhaqan galintiisa si wanaagsan looga shaqeyn lahaa heshiis iskaashi oo labo sano ka hor ay kala saxiixdeen Wasaaraddaha Tamarta Soomaaliya iyo Turkiga iyo siddii ay u yeelan lahaayeen labada dhinac Maalgashi dhinaca Tamarta ah.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay siddii ay u yeelan lahaayen wada shaqeyn buuxada oo dhex marta Labad wasaaradood, is dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha shaqo iyo kobicinta tayada shaqaalaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS.

Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane  Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in Wasaaradda  Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Wadanka Turkiga ay ka  gacan siin doonta  Soomaaliya taageero ku aadan sharciga Tamarta ee horyaalo Golaha wasiiradda.

Mudane Cismaan Libaax ayaa xusay  dawladda Turkiga  in dalka ay ka hirgelin doonto maalgashi dhanaca Tamarta iyo kheyraadka Dabiiciga ah, kaasi oo muhiim u ah howlgalka Wasaaradda ay ka qabanayso dhinacyada Tamarta  iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya.

Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS  ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxa uu kulamo la qaadan doonaa masuuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga iyo madaxda Shirkadaha gaarka ah ee ka shaqeeya horumarinta Biyaha iyo Tamarta.

Waxaa dhawaan dalka Turkiga lagu qaban doonaa shir looga hadlayo siddii ay iskaashi u yeelan lahaayeen shirkadaha gaarka ah ee Tamarta, kuwaasi oo ka shaqeeya  labada dal, taasi oo sahalayso in iskaashi wanaagan ay yeeshaan shirkadahaasi.

Related posts

Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay Askar lagu Caddeyn waayey Dembi lagu soo oogay

Wadani Media

Ciidamada NISA Gacanta ku dhigtay Qof dhoofinayey Lacag been abuur ah & kooxda Daabacda (Sawirro)

Wadani Media

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo War kasoo saartay khilaafka Maamul Goboleedyada & Doorashooyinka

Wadani Media

Afar ka mida Madaxda Maamul Goboleedyada oo Beesha Caalamka & IGAD ka codsaday Faragelin [War-Murtiyeed]

Wadani Media

SAWIRRO: Ra’iisal Wasaaraha oo kormeer ku sameeyay shaqada Dekadda Muqdisho & Wasaaradda Maaliyadda

Wadani Media

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Xukun toogasho iyo bixin Diyo Dib ugu xukuntay Askar ka tirsan Ciidamada

Wadani Media