Somali News

Somaliland oo shaacisay dadka Covid19 ugu geeriyooday degaannadeeda

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay dad hor leh oo Cudurka halista ah ee COVID-19 ugu geeriyooday deegaano ka tirsan Maamulkaas, kadib markii uu Cudurka kusoo laba kacleeyay dalka.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cabdullaahi Bade oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in todobaadyadii ugu dambeeyay deegaanada Somaliland ay Cudurka ugu geeriyoodeen 8 qof oo kamid ahaa dad horey ugu dhacay xanuunka.

Wasiir Cumar Cabdullaahi oo sii hadlayey ayaa tilmaamay in COVID-19 bishii Janaayo ee sanadkaan Somaliland ugu dhimatay 3 qof, halka bishii labaad ay u geeriyoodeen 7 qof, waxaana tirada guud ee dadka ugu dhintay Somaliland ay sanadkaan gaartay 18 ruux.

Back to top button