Somali News

Soomaali laga keenay Liibiya oo soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray Dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga keenay Dalka Liibiya kuwaas oo ku xirnaa Xabsiyada dalkaas.

Dhallinyaradan oo ay tiradoodu gaareyso 30 ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde keentay diyaarad ka soo qaadday dalka Liibiya.

Mid ka mid ah Dhallinyarada ayaa lugta ka dhaawacan iyada oo aan la sheegin waxa dhaawacay,waxaana lagu wadaa in dhaqtar la geeyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,halkaas oo ay diyaaradda ka soo dejisay.

Dalka Liibiya ayaa waxaa ku xiran Soomaali badanĀ  waxaana ay ku jiraan xabsiyada Waddankaasi iyaga oo qaarkood gacanta ugu jira kooxaha magafayaasha ah.

Back to top button