Somali News

Soomaaliya: Kiisaska Covid19 oo sare u kacay

Kiisaska la xiriira Coviod19 ee dalka ayaa sare u kacay iyada oo 48 dii saacadood ee la soo dhaafay cudurka laga helay dad ka badan 300 qof.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay warbixintii ugu dambeeysay ee dadka uu ku dhacay Covid19 kuwa u dhintay iyo dadka ka bogsadayba.

Tirada 48 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 1,830
o Laga Helay: 304
o Banadir: 147
o Hirshabelle: 77
o Somaliland: 53
o Jubaland: 15
o Galmudug: 7
o Koonfurgalbeed: 5
o Lab: 185
o Dhedig: 119
o Dhimasho: 8
o Bogsashada: 3
Tirada Guud ee Laga Helay: 6,991
Bogsashada Guud: 3,787
Dhimashada Guud: 231
Back to top button