FeaturedSomali News

Soomaaliya, oo 41-sano kadib shir-guddoomisay qayb kamida Fadhiga Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay.

Gudoomiye ku xigeenka golaha guud ee kal-fadhiga 75-aad ee Qaramada Midoobay, ahna danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay danjire Abuukar Cusmaan (Balle) ayaa la wareegay shir guddoonka qayb ka mid ah fadhiga 75-aad ee golaha loo dhanyahay, kaas oo sanadkan madaxda caalamka badankood ay kaga qaybgalayaan qaabka maqal-aragga ee internet.

 

Shirka oo sanad kasta la qabto bisha September, ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saaray saamaynta uu cudurka Coronavirus  ku yeeshay guud ahaan caalamka, jawaabaha ay dawladuhu ka bixiyeen iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay.

Sii’hayaha Ra’iisal wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo jeediyey khudbadda rasmiga ah ee uu Soomaaliya ku matalayo wakhtigan oo uu ku suganhay Muqdisho ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka soo socda oo laga gaaray heshiis siyaasadeed, saamaynta dhaqaale ee Somaaliya ka soo gaartay COVID-19 iyo sida dawladdu ay xoogga u saartay xakamaynta cudurkan. Sida ay qortay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SANNA.

 

Soomaaliya, ayaa lasheegay in ay  guul diblomaasiyadeed oo caalami ah u tahay inay shir gudoomiso fadhiga loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay 41-sano ka dib.

 

 

Back to top button