Somali News

Soomaaliya oo jeedisay Dooddeeda ICJ

Dhegeysiga Dacwadda Badda ee u dhaxeysa Kenya iyo SOomaaliya ayaa maanta 5tii Galabnimo ka billowday Magaalada Hague ee dalka Holland.

Furitaankii Maxkmaadda Haweeneyda Madaxweynaha ka ah Maxkamadda ayaa furtay kulanka iyo waxa u uku saabsanyahay waxaana kaddib lagu soo dhaweeyay in ay gar maqalkeeda soo bandhigto.

Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo Hoggaaminaya Ergada Soomaaliya ayaa u hadlay Soomaaliya waxaana uu goobta ka jeediyay doodaha sharciga ah ee dhinaca Soomaaliya.

Dhinaca Kenya Maxkamadda ICJ waxaa ay diyaarisay kuraastii ay fariisan lahaayeen Ergada Kenya iyo buugaagtii ay wax ku qoran lahaayeen hayeeshee cid matashaa ma joogin.

Kenya ayaa shalay sheegtay in ay isaga baxday Kiiska Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya iyada oo ku doodday in Covid19 dartii iyo Garsoore Soomaali ah oo ka mid ah 9ka garsoore ee ay leedahay Maxkamadda.

 

Back to top button