Somali News

Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Xuutiyiinta ku qaadeen Riyaad

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Cambaareysay weerar Gantaalo ah oo Xuutiyiinta Yemen la beegsadeen Caasimadda Sucuudiga ee Riyaad

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa maleeshiyada Xuutiyiinta oo gantaal baalistik ah ku gantay dhanka Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh iyo dhowr diyaarado aan duuliye lahayn oo miinaysan oo ay ku jihaysay magaalooyinka Jaazaan iyo Khamiis mushaat xilli dambe xalay oo Axad ahayd .

Soomaaliya waxa ay u aragtaa weerarkaasi mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga iyo kan bani’aadamnimada iyo dambi argagixiso oo lagu beegsanayay goobo dad rayid ah ay deganyihiin iyo carqalad ka dhan ah dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen, waxayna caddaynaysaa in ay si dhammaystiran u garab taagantahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayna ku taageersantahay dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso difaaca ciiddeeda, kuna sugayso amnigeeda ,bedqabka muwaadiniinteeda iyo dadka degganba, iyadoo ka hortagaysa col kasta oo dhagar huwan.

 

Back to top button