Somali News

Soomaaliya oo xaq u yeelatay ka codeynta QM xilli aanay bixin qaaranka xubinnimada

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Soomaaliya ay codeeyneyso shirweynaha 75aad ee Qaramada Midoobey xilli aysan muddo dheer bixin qarashaadka xubinnimada Qaramada Midoobey.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutarres ayaa waxaa uu saxiixay in Soomaaliya iyo laba dal kale ay codeeynayaan shirweynaha 75aad islamarkaana dib loogu dhigay kala noqoshada xuquuqda codeynta ilaa bisha December ee sanadkan.

Dalalka lumiyay xuquuqda codeynta ee bixin waayay Qaaraanka xubinnimada Qaramada Midoobey waxaa ka mid ah; Zimbabwe, South Sudan, Niger, Congo, Iran  iyo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe.

Qaramada Midoobey ayaa Soomaaliya  ku leh Qaaraan ururay oo gaaraya  $1, 443,640. oo doollarka Mareykanka ah.
Dalalka kale ee fursaddan helay islamarkaana codeyn kara waxaa ka mid ah; Comoros, Sao Tome iyo  Principe,waxaana ay ka qeybqaadan karaan codeynta Golaha guud ee Qaramada Midoobey ee dhaceysa Bisha September ee sanadkan 2021ka.

Back to top button