FeaturedSomali News

Sun loo diray Madaxweynaha Maraykanka oo la qabtay | Akhri xogtan.

 

Bashkhad laga diray dalka Canada oo ay ku jirtay suntan loo yaqaanno ricin, oo loo soo diray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa la qabtay ka hor inta aanay gaadhin Aqalka Cad.

Suntan oo lasoo mariyay warqad lagu diray boostada Aqalka Cad, ayaa lagu qabtay goobta lagu baaro waraaqaha lagu soo diro boostooyinka xarunta looga arrimiyo waddanka Maraykanka.

 

Sunta oo ah mid khatar ah oo dilaa ah, ayaa loosoo diray madaxweynaha Maraykanka Donold Trump.

Saraakiisha Aqalka Cad, ayaa sheegay in suntani ahayd nooca loo yaqaanno Racin oo ah mid aad u khatar ah.

 

Maaamulka madaxwayne Trump, wali kama ay  hadlin arrintani.

Laanta dambi barista Mareykanka ee (FBI) iyo ciidamada gaarka ah ee ilaaliya madaxwaynaha, ayaa baaraya halka ay bashqadani ka timid iyo in ay jiraan bashqado kale oo lagu soo diray boostooyiinka Mareykanka.

 

 

Hadii uu qofka isticmaalo suntan loo yaqaano ricin waxaa uu u dhiman karaa muddo 36 saacadood ilaa iyo 72 saacadood, iyada oo ay ku xiran tahay inta uu qofka ka isticmaalay, sida ay sheegtay xarunta ka hortaga iyo xakameynta cudurada ee Mareykanka.

BBC, ayaa daabacday in sanaddii 2014-kii 25 sano oo xarig ah lagu xumay in ku nool gobolka  Mississippi ka dib markii uu warqadan suntan Ricin la soo mariyay uu u diray madaxwaynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo saraakiil kal

 

Back to top button