FeaturedSomali News

Taariikh nololeedka Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku dhashay magaalada taariikhiga ah ee Hobyo ee Gobolka Mudug, taariikhdu markii ay ahayd Bishii 10-aad ee sanadkii 1963-kii.

 

Ra’iisul wasaarahan cusub,ayaa lasheegay in uu yahay Injineer ku takhasusay Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Deegaanka, isaga oo Waxbarashadiisa Masterka ee takhasuskan ka qaatay Machadka Royal ee Teknoloojiyadda ee dalka Sweden, sanadkii 2000.

 

Waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaare Rooble uu sanadkii 1990-kii ka tirsanaa ardayda barata Culuumta Injineernimada Madaniga ah ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, balse burburkii dhacay ee dalka uu ka hor istaagay in uu dhammeystirto Kulliyadda Enjineernimada ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo uu dhiganayey.

Waxaa 57 jir ahm aan hore loogu arag saaxadda siyaasadda hase ahaatee waxa uu kasoo shaqeeyay arrimaha horumarinta.

 

War ay daabacday wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa lagu sheegay in Maxamed Xuseen Rooble uu ka shaqeynayey 14-kii sano ee la soo dhaafay horumarinta dalka, gaar ahaan kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada, xoojinta maalgashiga, ganacsiga iyo dib u dhiska Kaabeyaasha Dhaqaalaha.

Hawlaha ugu horreeyay ee horyaalla raysal wasaaraha cusub, waxaa kamida in uu soo dhiso xukuumad dalka ka qabata doorashada heer federal ee lagu wado in ay qabsoonto bilawga 2021.

Waxaa kale oo looga fadhiyaa in uu meel mariyo heshiisyada doorashada ee ay gaadheen madaxda maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hoggaamiyaha Xisbiga wada jir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ayaa qoraal uu bartiisa facebook ku baahiyay, waxa uu uga digay raysal wasaaraha cusub in aanu hor boodin ololaha doorashada ee madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, hase ahaatee uu dhex u noqdo isuna soo dhaweeyo saamilayda siyaasadda .

Back to top button