Somali News

Tahriibayaal ku dhintay Xeebaha Dalka Jabuuti

Hay’adda IOM ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 8  qof oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen 12 kalena la la’yahay kaddib markii Doon ay la socdeen ku tuurtay Xeebaha Dalka Jabuuti.

Tahriibayaasha oo u dhashay Dalka Itoobiya ayaa ka baxay Xeebaha Soomaaliya,waxaana ay gaareen dalka Yemen hayeeshee dib ayaa loogu soo celiyay badda iyaga oo kooxdii doonta ku wadday ay qasab ku tureen.

War ka soo baxay Hay’adda IOM ayaa waxaa ay sheegtay in 14 qof oo ka badbaaday Doontaas ay ku suganyihiin xarun Caafimaad oo ay hay’adda ku leedahay Dalka Jabuuti.

Hay’addu waxaa ay sheegtay in koox gurmad ah ay ku howlanyihiin sidii loo soo badbaadin laaa 12ka qof ee wali lagu la’yahay biyaha Dalka Jabuuti.

Sanadkii 2017kii ayaa 50 qof oo Tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan ahaa ku dhinteen biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen kaddib markii doon ay la socdeen qallibantay.

Back to top button