Somali News

Tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhintay Xeebaha Jabuuti

Ugu yaraan 20 qof oo Tahriibayaal ah ayaa ku dhintay Xeebaha Waddanka Jabuuti kaddib markii ay la qallibantay Doon ay saarnaayeen.

Tahriibayaasha oo u badan Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa ku sii jeeday Waddanka Sucuudiga Carabiya halkaas oo ay doonayeen in ay nolol ka raadsadaan.

Doon ayaa deegaanka Culeybi ka qaadday 200 qof oo isugu jiray Rag,Haween iyo Carruur, waxaana ay Doonta kula rogmatay Xeebaha Gobolka Obokh ee isla dalka Jabuuti.

Meydka 20 qof ayaa la xaqiijiyay waxaa la badbaadiyay 80 Qof iyada oo uu socdo gurmadka loo fidinayo dadka wali ku maqan Badda.

Sarkaal u hadlay Hay’adda IOM ayaa sheegay in dadkaasi ay u badanyihiin Soomaali iyo Itoobiyaan ka cararayay nolosha adag ee ku heysata dhulkooda.

Back to top button