Somali News

Taiwan oo Maxkamadeyneysa Nin Shiineys ah oo dilay afar Kalluumeysato Soomaali ah

Dowladda Taiwan ayaa dacwad ku soo oogtay Kabtan  u dhashay Dalka Shiinaha kaas oo waday Doon Kalluumeysi oo laga leeyahay Dalka Taiwan.

Dacwad oogayaasha Dalka Taiwan ayaa Kabtanka ku eedeeyay in uu isaga bixiyay amar lagu dilay Aar wiil oo Soomaali ah kuwaas oo Kalluumeysato ahaa.

Dilka Afarta Wiil ee Soomaalida ah ayaa dhacay Bishii September sanadkii 2012kii,waxaana markii uu dilka dhacayay laga duubayay muuqaal Mobile ah.

Qofka watay Mobile-ka uu ku jiray Muuqaalka ayaa Mobile ka uga tagay Taksi isaga oo ku marayay Dalka Fiji,waxaana Taksiilihii uu Mobileka Gaariga ka dhex helay 2014kii waxaana uu soo geliyay baraha Bulshada.

Ninka u dhashay Shiinaha ayaa waxaa uu qiray in isaga uu ilaaladiisa oo u dhashay Pakistan ku amray in ay toogtaan afarta Qof ee Kalluumeysatada Soomaalida ah waxaana uu xilligaas ku marmarsiyooday in ay Burcad Badeed ahaayeen.

Xeerka Dalka Taiwan ayaa sheegaya in fal dambiyeedka noocan ah lagu muteysan karo 10 Sano oo Xabsi ah inkasta oo Maxkamadda waddankaasi aanay go’aan kama dambeys ah ka soo saarin.

Biyaha Soomaaliya ayaa waxaa ka buuxa Maraakiib iyo Doomo si sharci darro ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya kuwaas oo dhibaatooyin badan ku haya Kalluumeysatada Soomaalida.

Back to top button