Somali News

Taliska Booliska oo shaaciyey Askar, Shacab & Shaqaale Jaamaceed loo xiray Dilal ka dhacay Muqdisho

Taliye ka tirsan ciidamada Booliska oo qaabilsan Hogaanka canshuuraha Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa faahfaahin ka bixiyey dilal kala duwan oo maanta ka dhacay Muqdisho iyo eedeysanayaal loo soo qabtay.

Wuxuu sheegay Jeneraalka in gacanta lagu soo dhigay 8 eedeysane oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen fal dil ah oo ka dhacay agagaarka Digfeer ee Muqdisho, kuwaasi oo ku jira gacanta ciidanka booliska isla markaana ay ku socoto baaris.

Waxaa dadka la xiray ka mida askar Marxuum ku dilay agagaarka Sey Biyaano, iyadoo ay dilkaasi geysteen  askar la socotay nin sarkaal sare ah oo adeegsatay Qori Dhashiike ah, iyadoo la sheegay in la xiray saddex askari oo falkaasi loo heysto.

Wuxuu kaloo Taliye Bariise sheegay in Ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen eedeysanihii geystay dilka marxuum shalay Muqdisho lagu dilay, isla markaana la gubay, kuwaasi, iyadoo ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.

Taliyaha Hogaanka canshuuraha ee ciidanka booliska Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa xusay in kiiska haweeneydii  lagu dilay Jaamacadda Soomaaliya faraceeda Baar Ubax loo soo xiray waardiyeyaashii Jaamacadda, macalin iyo dad kale.

“Kiiska afaraad waxa uu ahaa gabartii lagu dilay Jaamacdda, runtii ciidanka Booliska markuu tegay dad ayaa  loo soo xiray, Jaamacaddu waa ay weyn tahay, hal erid ayay leedahay, halka irid waxaa jooga ciidan waardiyeeya, ciidankaas waardiyaynaya waxa loo dhigay Albaabka waxay ahayd in Jaamacadda iyo waxa ku jira ay amnigooda sugaan, maadaama Jaamacadda la soo galay labo nin oo bistoolad ku hubeysan wajigooduna uu duuban yahay dileena marxuumadda, waxaan gacanta ku soo dhignay ciidankii waardiyaynaayay ee amniga loo igmaday Jaamacadda, Macalinkii u yeeray maadaama ay maanta Jimco ahayd ardaydda iyo eedeysanayaal kale, baaris ayaa ku socota, waxaana rajeynayaa in qofkii ugu dambeeyay ee falkaasi geystayna in gacanta lagu soo dhigi doono”

 

Tags
Close
Close