Somali News

Taliyaha Booliska oo kormeer kedis ahaa sameeyay,Taliyayaal xilka laga qaaday

Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa xalay Kormeer kedis ah ku tagay inta badan baraha koontaroollada Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Taliye Cabdi Xasan MaxamedXijaar ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Saraakiil kale.
Kaddib Kormeerka Taliyaha uu xalay sameeyay waxaa saaka isku shaandheyn lagu sameeyay taliyayaasha qaar ee Saldhigyada Booliska iyo kuwa qeybaha.
Taliyihii Saldhiga Degmada Shibis, Sheikh Aadan ayaa Xilkii laga Qaaday Waxaana Loo Magacaabay taliyihii Saldhiga Degmada C/Casiis Axmed Dhaashane.
Sidoo Kale Waxaa Taliyaha Qaybta Bari loo Magacaabay Gaashaanle Mahad Korow,, oo hore u joogay Qaybta Waliyow Cadde waxana xilkii laga qaaday taliye khaliif.
Taliye Xijaar ayaa kormeerkiisii xalay ku tagay Degmooyinka Kaaraan, Huriwaa, Yaaqshiid, Hodon,Howlwadaag, Kaxda iyo kuwo kale.
Back to top button