FeaturedSomali News

Taliyaha Ciidamada Milateriga oo booqday Ciidamada Kumaandooska ee Ballidoogle (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa Maanta Kormeer shaqo ku tagay Saldhigga Ciidanka Kumaandooska Danab oo ku yaala  Balidoogle ee Gobolka Shabellada Hoose.

General Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe Markii uu gaaray Saldhigga Balidoogle waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ee Kumaadooska Soomaaliya iyo saraakiisha ajnabiga ah ee Garoonka gacanta ku heysa.

Ciidanka xaruntaan dagan oo ah kuwa fuliya weerarada gaarka ah ee lagu Bartilmaameedsado Nabadiidka Al-shabaab ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka waxa uu la yeeshay kulumo iyo is xog wareeysi uu ku oganayo sida ay u socdaan howlgalada qorsheysan.

Jen. Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in ciidamada danab ay yihiin indhaha ciidamada qalabka Sida waxa uuna uga mahadceliyay guulaha la taaban karo ay kasoo hooyeen dagaalka lagu ciribtirayo Nabadiidka Al-shabaab.

Taliyaha ayaa Xusay in ay ka go,an tahay in dalka laga xoreeyo Argagixisada Horumarka iyo Nabada dalka diidan isagoo tilmaamay in qorshaha taliska Ciidanka Xoogga dalka uu yahay in la balaariyo Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya si ay usoo afjaraan Cadowga ummada Soomaaliyeed ee  Al-shabaab.

Tags
Back to top button
Close
Close