Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Featured Somali News

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo kulan la yeeshay Axmed Madoobe & Isbedel ku dhacay…

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) iyo saraakiil la socota ayaa maanta Gaaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa taliyaha ku qaabbilay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo, iyadoo Gen. Indha-qarshe uga mahad celiyay sidii loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo.

Wuxuu intaas ku datay in socdaalkiisa magaalada Kismaayo uu salka ku hayo sidii uu xog ogaal ugu noqon lahaa xaaladda Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Kismaayo waxaan u nimid inaan kormeerno, xaqiijinno, ogaanno xaaladda dhabta ah ee Qaybta 43-aad, oo ah qaybaha ugu muhiimsan CXDS, sababta aan u leenahay waa  meesha ugu badan ee Xuddunta u ah Nimankaas Argagixisada ah, marka qasab bay nagu tahay inaannu aad iyo aad ugu kuurgalno” ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa qaybtan 43-aad ku tilmaamay mid ahmiyad weyn u leh, maaddaama ay ka howl-gasho goobaha ugu badan ee ay Ciidamada xoogga Dalku kula dagaallamaan Kooxda cadawga ah ee Al-Shabaab.

Axmed Madoobe iyo maamulkiisa ayaa  hore u soo celiyay taliyihii ay dowladda Soomaaliya magacawday qeybta 43-aad, waxaana aad u xumaa xiriirka labada dhinac oo hadda u muuqda in Axmed Madoobe uu tanaasul sameynayo.

Related posts

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku saabsan Qaraxyadii Muqdisho siiyey Taliyeyaasha Ciidamada (Sawirro)

Wadani Media

Shirkadda Kenya Airways oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Garoonka Aden Adde ee Muqdisho

Wadani Media