Somali News

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo ku baaqay howlgal ka dhan ah Al shabaab

Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal  Maxamed Tahliil Biixi oo booqasho ku tagay magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolkaasi.

Taliyaha ayaa waxaa uu la hadlay Saraakiisha Ciidamada waxaana uu ku wargeliyay in ay isu diyaariyaan howlgallo ka dhan ah Al shabaab oo laga fulinayo Gobolkaasi.

Waxaa uu Ciidamada qeybta 43aad iyo 60aad ee fasaxa ku maqan ay ku laabtaan xeryaha islamarkaana heegan galaan.

Jeneraal Biixi ayaa sheegay in Al shabaab aysan u turin askarta Dowladda ee ay qabtaan sidaas oo kalena laga doonayo Askarta Dowladda in aysan u turin Al shabaab.

Back to top button