Somali News

Taliyaha Ciidanka Uganda ee AMISOMoo la kulmay Taliyayaasha kale

Taliyaha Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya Richard Otto , ayaa booqday Aagagga hore ee Ciidamada Uganda ku jira AMISOM ay ku suganyihiin.

Taliyaha ayaa booqday Saldhigyada Ciidamada Uganda ee Baraawe, Balidoogle ,Ceeljaalle iyo Carbiska waxaana uu halkaas kula hadlay Saraakiisha AMISOM ee ku sugan saldhigyadaasi.

Waxaa uu ka wareystay xaaladdooda, horumarka ay ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobolka Shabeellaha hoose iyo howlgallada mustaqbalka ee ka dhanka ah Al-shabab.

Richard Otto, ayaa uga mahacdceliyay Ciidamada Waddanka Uganda ee dagaalka kula jira Al-shabaab,kuwaas oo Soomaaliya jooga 14 sano.

Taliyaha ayaa kormeerkaasi ku ogaanayay xaaladda Askarta Uganda ka socota ee ku jira howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Uganda ayaa ahayd waddankii ugu horreeyay ee Ciidankeeda keenta Soomaaliya Bishii March ee sanadkii 2007dii,markaas oo uu billowday howlgalka AMISOM.

Back to top button